Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

SIDEE AYUU KU BILAABMAY JACAYLKA AMIIR HARRY IYO MEGAN MERCAL? !

Jacaylka Amiir Harry iyo Megan Mercal ayaa waxa sabab u ahayd Haweenay u dhalatay Dalka Maraykanka oo magaceeda la yidhaahdo Violet Von Westholes oo ay muddo dheer Asxaab ahaayeen Amiir Harry .

Bidix:Amiir Harry ,Midigna Megan Mercal

 

Violet ayaa kulnasiisay Amiie Harry iyo Megan Mercal kulankoodii koowaad ,Violet ayaa sabab u ahayd Jacaylkooda waxa aanay sidoo kale ku dedaashay in ay Amiir Harry Maadaama oo ay asxaab aad iskugu dheer yihiin in ay u soo doorto gabadha uu ku qanco,Violet ayaa ah haweenayda ku guulaystay in ay isku soo jiito lamaane aad isku jeclaaday oo Aroos taariikhi ahi u dhici doono bisha April ee sanadkan.

 

Violer oo arrintaasi ka hadlaysa ayaa waxa ay tidhi ” Amiir Harry waxa aad ugu adkayd in uu gabadh la balamo waxa aanu aadn iskaga ilaalin jiray in uu aad u barto dadka baraha bulshada ay ku wada xidhiidhaan maadama oo uu yahay qof caan ah ,way jiraan gabdha badan oo ay is barteen waxa aanu diyaar u ahaa in uu midkood la kulmo,laakiin waxa u adkaatay sidii uu u dooran lahaa qofka ku haboob ee ay noolosha wadaagi lahaayeen”.

 

Violet ayaa sidoo kale sheegtay in Megan Mercal ay tahay gabadh aad u dabeecad wanaagsan,sidoo kalana ay aad u dhex gashay mujtamaca reer Britain.

Violet ayaa sidoo kale aad u dhex gasha qoyska Boqortooyada Dalka Britain waxa aanay aad iskugu xidhanyihiin qaar ka mid ag ah Amiirada Dalkaasi ,Violet ayaa sabab u noqotay Jacaylka ay haatan isku guursanayaan Amiir Harry iyo Megan Mercal.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat