Taariikh Nololeedka Jilaaga Magaciisa Daafaha Caalamka Ku Baahay Sanjay Dutt Min Bilaaw Ilaa Dhamaad

Sanjay Balraj Dutt waa atoore Hindi ah kana tirsan Bollywood-ka sidoo kalena filimada qarash gareeyo, wuxuuna ku dhashay magaalada Mumbia 29 July sanadii 1959.
Sanjay waxaa waalid u ah labo Bollywood-ka heerkii ugu sareesay ka gaareen Sunil Dutt iyo Nargis Dutt wuxuuna xidigan filim jilista si rasmi ah u bilaabay sanadii 1981.
Wixii markaas ka dambeeyay Sanjay wuxuu sameeyay ama kasoo muuqday in ka badan 100 filim oo uu door dhameestiran ku leeyahay.
Doorarka uu Sanju caan ku noqday waxaa ka mid ah inuu filimada Gangester, burcad, boliis iyo sameynta ficilada Action-ka ah inuu amaan badan ku helay.
Super Star-kan waayihiisa fanka sii caga cageenayo in ka badan 35-sano ayaa ka mid noqday taariikh ahaan jilaayaasha ugu saameynta balaaran Bollywood-ka wuxuuna qaab jiliinkiisa hagar la’aanta ku muteestay abaal marino kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwa hoos ku xusan:
2-Filmfare Awards,
2-IIFA Awards
2-Bollywood Movie Awards
3- Screen Awards
3-Stardust Awards
2-Zee Cine Awards
1-Global Indian Film Award
1- Bengal Film Journalist’s Association Award.
Sanjay Dutt waxaa si rasmi ah xabsi loo dhigay sanadii 1993 ayadoo la adeegsanyo hawl galkii loogu magac daray Terrorist and Disruptive Activities (Prevention) Act waxaana lagu xiray inuu hub sharci daro ah gurigiisa xiligaas ku heestay.

 

Kadib markii uu mudo 18-bilood ah xabsi ku xirnaa xidigan waxaa damanad lagu soo daayay bishii April sanadii 1995.
Bishii July sanadii 2007 waxaa lagu xukumay 6-sano oo xarig oo ay ku jirtay xukunkii 18-bilood ee uu horey usoo qaatay.
Laakiin maxkamada Sare ee Hindiya ayaa 21 Maarso sanadii 2013 xukunkiisa 5-sano kaga dhigtay sidoo kalena waxaa lagu waayay inuu si toos ah ugu lug lahaa qaraxyadii Mumbai ka dhaceen sanadii 1993 balse xukunkiisa waxaa loo cugsaday inuu hub sharci daro ah gurigiisa ku heestay.
Kadib markii uu xukunkiisa 5-sano 42-bilood ee kag dhinaa si rasmi ah usoo dhameestay sidoo kalena aqlaal wanaagsan xabsiga ka dhex muujiyay Dutt si rasmi ah ayuu xuriyadiisa u helay 25-Feb 2016.
Sanjay Dutt Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Wax Ka Ogaaw:

Dutt waxaa dhaleen labo fanka Hindiya siweyn looga dambeeyay Sunil Dutt iy Nargis Dutt waxayna hooyadiisa geeriyootay sanadii 1981.
Weliba Sanju hooyadiis Nargis waxay geeriyootay sedex maalmood ka hor markii filimkiisii kowaad Rocky tiyaatarada la saari rabay sanadii 1981.

 

Inta badan geerida Nargis waxaa loo nisbeeyaa inay qalbi jab iyo wadno xanuun ka qaaday wiilkeeda Sanjay Dutt oo ay ka celin weysay isticmaalka waxyaabaha maanka dooriyo sida Daroogada iyo wixii la halmaalo.

 

Asigoo asigoo caruur ah (Child Actor) wuxuu kasoo muuqday sanadii 1972 filimkii Reshma Aur Shera ee aabihiis atoore kowaad ka ahaa, markaas ayuuna xidigan jecleestay inuu fanka ku biiro.
Sanjay Dutt sanadii 1987 ayuu guursaday atirishadii 80-kii caanka ahayd Richa Sharma, laakiin sanadii 1996 ayay u geeriyootay Cancer maskaxda kaga dhacay.

 

Dutt iyo Richa Sharma waxay isku dhaleen gabar lagu magacaabo Trishala Dutt oo dhalatay sanadii 1988 waxayna gabadhan ku nooshahay dalka Mareekanka.
Sanjay Dutt wuxuu awoodi waayay inuu korsado gabadhiisa curada ahayd waxaana maxkamad iyo dacwad badan kadib looga guuleestay in gabadhiisa Trishala ay ka kaxeestaan awoowayaasheeda markii ay hooyadeed geeriyootay waxayna gabadhan kusoo bar baartay ilaa haatana dagan tahay dalka Mareekanka.

 

Sanju Baba guurkiisii labaad wuxuu la wadaagay gabadha dhanka Model-ka lagu yaqiinay Rhea Pillai sanadii 1998 ayay si rasmi ah u aqal galeen.
Balse Dutt waqti wacan lama qaadanin xaaskiisii Rhea Pillai waxayna si rasmi ah u kala tageen sanadii 2005 madaama noloshoodii muran iyo dagaal hareeyay inta badan.

 

Sanjay Dutt ugu dambeyntii wuxuu ku xasilay oo uu waqti wacan ilaa haatan la qaataa gabadha Muslimada ah Manyata oo ay sanadii 2008 aqal galeen.
Manyata waxay Dutt u heysaa wiil iyo gabar mataano ah oo lagu kala magacaabo Shahraan Dutt iyo Iqra Dutt.
Sanjay Dutt Iyo Waayihiisii Fanka Wajigiisa Kowaad (1981-87):

 

Sanjay Dutt wuxuu si rasmi ah ugu soo caan baxay filimkii Rocky ee tiyaatarada la saaray 8 bishii May sanadii 1981 wuxuuna filimkan gaaray guul wacan (Semi Hit) inkastoo uusan Hit dhameestiran noqonin.
Sanju filimka Rocky waxaa la sameesay atirishadii caanka ahayd Tina Munim waxaana filimkan Director iyo qarash gareeye ka aha Sanju aabihiis Sunil Dutt oo sidoo kalena muuqaal kooban ku lahaa.

Sanju ayaa aqoonsi fiican ku helay filimkiisii Rocky waxaana u xigay in sanadii 1982 uu la yimid filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Vidhaata oo sanadkaas noqday filimkii lacagaha ugu badan soo xareeyay asigoo keenay 16 Crore!
Vidhaata waxaa Sanju la jileen xidigo badan oo caan ah oo ay ka mid yihiin Dilip Kumar, Padmini Kolhapure, Shammi Kapoor, Sanjeev Kumar, Amrish Puri, Madan Puri, Suresh Oberoi iyo Sarika.

Laakiin xidigan filimkiisii labaad Johny I Love You oo ay la jileen Rati Agnihotri, Amrish Puri, Suresh Oberoi waa mid guul dareestay (Flop) oo sidii laga filaayay noqon waayay wuxuuna soo baxay dhamaadkii sanadii 1982.
Sidoo kalena sanadii 1983 dhamaadkeedii wuxuu la yimid filimkii guusha wacan gaaray Main Awara Hoon waxaana Sanju la jileen xidigaha kala ah, Raj Babbar, Jayapradha iyo Rati Agnihotri.
Sanjay Dutt dhibaato nafsiyan oo xoog leh ayaa qabsatay madaama ay ka awood badisay isticmaalka daroogada midaas oo sababtay in caafimaadkiisa halis weyn galo.
Sidaa darteed filimadii uu sameeyay Bekaraar (1983), Mera Faisla (1984) iyo Zameen Asmaan (1984) si dhib badan ayuu ku dhameestiray waxayna noqdeen kuwo guul dareesteen.
Sunil Dutt ayaa wiilkiisa ku fiirsan waayay xaalada uu ku sugnaa wuxuuna geeyay dalka Mareekanka waxaaana lagu haayay halkaas mudo labo sano ah si caafimaadkiisa loola tacaalo weliba waxaa la sheegay in dhiiga laga badalay sidoo kalena dhiig nadiif ah lagu shubay madaama markii hore daroogada ay six un u dilatay.

Dutt oo caafimaad dhameestiran helay ayaa sanadii 1985 dib ugu soo laabtay shaqada filim jilista wuxuuna sameeyay filimka Jaan ki Baazi kaasi oo sidii laga filaayay noqon waayay.
Xiligan waxaa loo bixiyay waqtigii Sanju uu kasoo baxay noloshii daroogada una soo jeestay inuu Bollywood-ka ka dhex muuqdo.
Sanju wuxuu guushiisa kusii kabtay filimkii guusha dhex dhexaadka ahaa gaaray Mera Haque oo bilawgii sanadii 1986 soo baxay.
Sanjay Dutt wuxuu cagahiisa ku istaagay sidoo kalena uu aqoonsi caalami ah ku helay filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Naam ee uu sanadii 1986 sameeyay.
Naam oo ay Sanju isla jileen Kumar Gaurav, Poonam Dhillon, Amrita Singh iyo Paresh Rawal ayaa noqday filim Classic ah sidoo kalena 10-kii sano (1980 ilaa 1989) dhamaan filimadii ay Bollywood-ka sameeyeen wuxuu Naam ka galay kaalin ahaan kaalinta 6-aad filimadii ugu weynaa ee Blockbuster-ka noqdeen.
Sanju wixii markaas ka dambeeyay cagihiisa ayuu ku istaagay wuxuuna ka mid noqday jilaaga dhalinta Hindiya loogu jeclaa qaybihii dambe ee 80-kii asigoo sameeyay filimo guulo wacan gaareen oo ay ka mid ahaayeen Mera Haque (1986), Imaandaar, Inaam Dus Hazaar Jeeva(1987), Jeete Hain Shaan Se (1987), Mardon Wali Baat (1988), Ilaaka (1989), Hum Bhi Insaan Hain (1989), Kanoon Apna Apna (1989) iyo Taaqatwar (1989).
Inta badan dhamaadkii 80-kii wuxuu Sanju kasoo muuqan jiray filimo atoorayaal badan ku jiraan (Multi-starrers) wuxuuna shaqada inta badan la wadaagi jiray xidigaha kala ah Govinda, Mithun, Dharmendra, Jackie Shroff iyo Sunny Deol.
Sanjay Dutt Iyo Markii Uu Noqday Super Star Weyn Oo Laga Dambeeyo (1990 – 97):

Sanju Baba dadaalkiisa ayuu sii laba laabay waxaana u suura gashay 90-kii inuu safka hore ka galo Bollywood-ka weliba aflaan guulo wacan gaareen ayuu la yimid oo ay ka mid ahaayeen Tejaa, khatarnaak, Zahreelay, Thanedaar, Khoon Ka Karz, Yalgaar, Gumrah, Sahibaan, iyo Aatish: Feel the Fire.
Laakiin Sanjay Dutt darajada Super Star-ka inuu gaaro waxaa ka caawiyeen filimada Classic ah ee guulaha taariikhiga ah gaareen Saajan iyo Sadak oo labaduba Hit weyn noqdeen sanadii 1991.

Sanjay Dutt wuxuu noqday intii u dhaxeesay 1991 ilaa 1993 atooraha ugu awooda badan Bollywood-ka weliba waxaa la isku raacay inuu mustaqbalka Super Star Amitabh Bachchan awooda Bollywood-ka kala wareegi doono.
Sanjay Dutt oo circa maraayo sidoo kalena ah dooqa kowaad ee filim sameeyayaasha ayaa sanadii 1993 Bollwood-ka gil gilay madaama filimkiisii Khal Nayak uu Super Hit weyn noqday sidoo kalena xidigan amaan fara badan ayuu helay.

Sanju oo sii xajistay awoodiisa kowaad ee Bollywood-ka hadii ay noqon laheyd dhanka Boxoffice-ka iyo shacbiyada gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ayaa halmar sagxada hoose tagay!
Waxaana ugu wacnaa in sedex todobaad ka hor filimkiiii Khal Nayak tiyaatarada la saarin in xidigan booliska magaalada Mumbai xabsiga dhigeen kadib markii gurigiisa laga helay hub sharci daro ah!
Super Star-kii Hindiya awooda ku heestay ayaa noqday Dambiile qaran waxaana lagu xukumay xarig 5-sano ah waxaana lagu eedeeyay qaraxyadii Mumbai ka dhacay inuu xiligaas ku lug lahaa.
Dutt wuxuu awoodi waayay in 4-sano ee soo xigtay uu sameyn waayo filim dhameestiran, inkastoo uu dhameestiran filimo qabyo ka ahaa mudadii uu xirnaa dhamaan aflaantii loo saaray waxay noqdeen kuwo bur bureen.
Marka laga reebo filimkii Aatish ee sanadii 1994 la daawaday kaasi oo guul wacan gaaray waxaana la dhameestiray filimkan duubistiisa sanadii 1993 ka hor inta uusan xabsiga galin.
Soo Laabashadii Dutt Iyo Xiligii Damaanada Lagu Soo Daawayay (1997 – 2002):

Sanju Baba filimkiisii ugu horeeyay marka uu xabsiga kasoo baxay wuxuu ahaa Daud oo tiyaatarada la saaray sanadii 1997 wuxuuna filimkan marka kowaad ku furmay tiyaatarada 100% madaama Sanju xiiso loo qabay.
Balse Daud wuxuu noqday filim guul dareestay madaama sheekadiisa daciif ahayd filimkan ma noqonin mid Sanju ka caawiyo inuu guushii u baahnaa ka helo.
Sanju oo si dagan fanka ugu soo laabanayay wuxuu sanadii 1998 kasoo muuqday filimkii Dushman

ee Kajol hogaamiyaha ka ahayd sidoo kalena labo door ku matashay.
Dushman waa filim guul dareestay sidoo kalena Sanju hogaamiye kama ahayn balse doorkiisii amaan balaaran ayuu ku helay.

Sanadii 1999 marnaba Dutt ma hilmaami karo madaama 5-filim ee uu sameeyay dhamaantooda ka mid noqdeen aflaantii lacagaha ugu badnaa laga helay sanadkaas.
Filimkiisii kowaad sanadii 1999 wuxuu ahaa Daag: The Fire kaasi oo Hit dhameestiran noqday waxaana la jileen Chandrachur Singh iyo Mahima Chaudhry weliba Dutt waxaa siweyn loogu amaanay doorka uu filimkan ka qaatay Action-ka uu kusoo bandhigay.
Sanju labadii filim ee xigeen Kartoos iyo Safari waxay noqdeen kuwo ganacsi ahaan guul dareesteen balse isla sanadii 1999 dhanka shactirada ayuu u weecday waxaana Hit weyn u noqday filimkii Haseena Maan Jaayegi oo ay Govinda, Karishma Kapoor iyo Pooja Batra la jileen.
Sanjay Dutt ayaa Bollywood-ka ku qabsaday filimkiisii Vaastav: The Reality ee guusha wacan gaaray sidoo kalena noqday filim Classic ah.

Vaastav: The Reality wuxuu ka caawiyay Dutt inuu abaal marino badan ku qaato weliba markii ugu horeesay ayuu atooraha ugu wanaagsan Bollywood-ka ee shirkada Filmfare Awards bixiso ku helay.
Sanjay ayaa sanadii 1999 kusoo qatimay filimkii guusha dhex dhexaadka ah gaaray Khoobsurat oo fariinta jeceyl xambaarsanaa sidoo kalena isla jileen Urmila.

Sanadii 2000 Super Star-kan shaqo xoog leh ayuu qabtay wuxuuna la yimid 5-filim oo kala ahaayeen Khauff, Baaghi, Chal Mere Bhai, Jung, Mission Kashmir iyo Kurukshetra.
Marka laga reebo filimada Mission Kashmir iyo Kurukshetra dhamaan inta kale waxay noqdeen aflaan guul dareesteen.
Balse Mission Kashmir ayaa ka caawiyay Dutt inuu markale u tartamo atooraha ugu wanaagsan oo ay shirkada Filmfare Awards bixiso madaama doorkiisii uu si wacan u jilay.
Sanadii 2001 xidigan wuxuu la yimid hal filim oo ahaa Jodi No.1 waana filimkii shactirada badnaa oo ay Govinda, Monica Bedi iyo Twinkle Khanna isla jileen.

Jodi No.1 wuxuu noqday Hit dhameestiran sidoo kalena wa filim guul weyn gaaray ilaa haatana aad loo jecel yahay shactirada lagu soo bandhigay.
Sanadii 2002 waxay u ahayd sanad aan wanaagsaneyn madaama uu 6-filim sameeyay Sanjay Dutt balse ma jirin filim guul weyn gaaray ama Hit dhameestiran noqday.
Filimadiisii Pitaah, Hum Kisise Kum Nahin, Maine Dil Tujhko Diya, Hathyar iyo Anarth dhamaan daadka ayaa qaaday waxayna noqdeen kuwo guul dareestay kaliya filimkii Kaante ayaa isagana xoogaa gobolada qaar ee Hindiya ka gadmay inkastoo filim darajo ahaan (Below Average) lagu tilmaamay madaama gobolada qaar isagana dadkii cajaladah qeybiyeen qasaaro kala kulmeyn.
Sanjay Dutt Iyo Markii Uu Qalbiga Taageerayaashiisii Waji Cusub Ku Dhex Dagay (2003 Ilaa Haatan):

Sanju Baba wuxuu Bollywood-ka ku qabsaday sidoo kalena kusoo jiitay xitaa dadka aan isaga taageerin markii uu sanadii 2003 la yimid filimkii fariinta wacnaa xambaarsanaa Munna Bhai M.B.B.S.
Munna Bhai M.B.B.S wuxuu noqday filim guul weyn gaaray sidoo kalena Hit dhameestiran noqday balse intaa soo dhan waxaa kaga qiimo badnaa Dutt in filimkan uu Classic noqday sidoo kalena shirkada Filmfare Awards waxay ku siisay shactiroolaha ugu wanaagsan (Best Comedian).
Munna Bhai M.B.B.S jeceylka ay dadka u qaadeen wuxuu gaarsiiyay in filimkan 25-isbuuc oo xariir ah inuu tiyaatarada saarnaado wuxuuna ka mid yahay filimada fara ku tirska ah ee qarnigan jeceyl waali ah daawadayaasha u qaadeen!

Laakiin Super Star-kan sanadii 2004 dhamaan 5-filim ee uu sameeyay waxay noqdeen kuwo ganacsi ahaan guul dareesteen inkastoo doorkiisa aad loogu amaanay waxayna filimadaas kala ahaayeen Plan, Rudraksh, Rakht, Deewaar iyo Musafir.
Sanadii 2005 Dutt sidoo kale ma sameyn filim Hit dhameestiran noqday balse waxaa guul dhex dhexaad ah u gaaray filimkii Dus oo ay atoorayaal badan isla jileen sida Suniel Shetty, Abhisek Bachchan iyo Zayed Khan.
Sidoo kalena filimkiisii Parineeta ee ganacsi ahaan (Below Average) noqday sidoo kalena gobolada qaar qasaaro lagala kulmay halka gobolada qaarna uu lacagtiisa kasoo celiyay Dutt amaan badan ku helay weliba abaal marinta Filmfare Awards atoore caawiyaha ugu wanaagsan ayuu u tartamay.
Laakiin filimadiisii Shaadi No. 1 iyo Shabd ee isla sanadii 2005 soo baxeen ganacsi ahaan siweyn ayay u guul dareesteen.
Sanjay Dutt sanadii 2006 waji wanaagsan kuma bilaabin waayo filimadiisii ugu horeeyay Zinda, Tathastu, Sarhad paar iyo Anthony Kaun Hai waxay noqdeen kuwo guul dareesteen.
Super Star-kan ayaa bishii September sanadii 2006 la yimid filimkii Blockbuster-ka weyn noqday Lage Raho Munna Bhai waana qaybtii labaad ee taxanaha Munna Bhai.

Sanju ayaa qaybta labaad Lage Raho Munna Bhai ku helaay amaan aan lasoo koobi karin sidoo kalena wuxuu noqday filimkan mid Classic ah oo laga helay macaash aan lasoo koobi karin.
Weliba Ra’iisul Wasaarihii xiligaas Hindiya Manmohan Singh ayaa Sanjay Dutt abaal marin qarameed siiyay madaama uu siweyn saameyn ugu yeeshay xidigan gudaha Hindiya labada door ee uu ku matalay taxanaha Munna Bhai.
Balse Super Star-kan guushii uu gaaray waxaa hareeyeen dacwad in maxkamada Mumbai dib ugu furtay madaama uu damaanad banaanka mudo dheer ku joogay.
Dutt waxaa lagu waayay inuu yahay argagaxiso ama ka qayb qaatay qaraxyadii Mumbai ka dhacay sanadii 1993 balse waxaa lagu xukumay inuu yahay dambiile hub sharci daro gurigiisa ku heestay sidoo kalena waxay maxkamada kusoo rogtay inuu xukunkiisa 5-sano ah dhameesto.
Sanjay Dutt ayaa laga aqbalay inuu damaanad banaanka kusii joogo sidoo kalena dhameesto hawlaha uu markaas gacanta ku haayay.
Midaas waxay ka caawisay xidigan inuu wax ka jilo door muhiim ahna ka qaato filimadii guulaha wacan gaareen oo ay ka mid ahaayeen Dhamaal (2007), Shootout at Lokhandwala (2007), All the Best (2009), Double Dhamaal (2011), Son of Sardaar (2012) iyo Agneepath (2012).

Weliba filimkii Agneepath ee uu laadarka qamarjiga ah ku matalay Dutt amaan aan lasoo koobi karin ayuu ku helay wuxuuna ka mid noqday filimada uu xidigan ku faano.
Sanjay Dutt markii uu xabsiga dib ugu laaban rabay wuxuu si dhaqsi ah ku dhameestiray filimo qabyo ka ahaa oo ay ka mid ahaayeen Zila Ghaziabad (2012), Policegiri (2013), Zanjeer (2013) iyo Ungli (2014) waxayna dhamaantooda noqdeen kuwo guul dareesteen markii tiyaatarada la saaray.
Dutt inta uu xabsiga ku jiray kaliya hal filim ee uu muuqaal kooban ku lahaa ayaa u guueestay waana filimka PK (2014) ee Aamir Khan hogaamiyaha ka ahaa kaasi oo All Time Blockbuster noqday.

Sanjay Dutt ayaa xabsiga dhexe Yerwada ku qaatay 42-bilood ee kaga harsanaa xukunkiisii 5-sano ahaa si uu u guto mudada xukunkiisa ku raagtay.
Ugu dambeyntii Super Star-kan 25-kii Bishan Febraayo ayuu si rasmi ah xuriyadiisa dib u helay sidoo kalena u dhameestay xukunkiisii 5-sano ahaa.
Sanjay Dutt haatan waa xur waxaana la filaa dhawaan inuu dib ugu soo laabto filim jilista iyo hawlihii kale ee uu caanka ku ahaa.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA