Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

WASAARADA DIFAACA EE RUUSHKA OO SHEEGTAY IN AY KORMEER KU SAMAYSAY HAWADA DALKAASI ,KADIB MARKII AY DIYAARADO BASAAS SOO GALEEN HAWADA DALKAASI!

Wasaarada Difaaca ee Dalka Ruushka ayaa waxa ay sheegtay in maanta oo jimce ah ay ciidamada Difaaca ee Ruushku galeen saddex hawl gal kuwaasi oo ay kaga hor tageen 10 Diyaaradood oo hawda dalkaasi ka waday hawlo basaasnimo wiigii hore .

Diyaaradaha Difaaca Ruushka

Wakaalada wararka ee Krasnaya Zvezda ayaa waxa ay baahisay nuqulka dhabta ah ee ay soo saartay wasaarada difaaca ee Dalkaasi.

Hawlgalada ay sameeyeen ciidamada difaaca ee Dalka ruushka ayaa waxa ay kala ahaayeen 5 jeer oo xuduuda galbeed ee dalkaasi ay koormeereen iyo 4 jeer oo ay kormeereen xuduuda Koonfur galbeed ee dalkaasi iyo hal kormeer oo ay ku sameeyeen xuduuda Waqooyi.

Kormeerka ay ciidamadaasi sameeyeen ayaa waxa ay sheegeen in ay aanay jirin diyaarado basaasnimo waday oo si toos ah u soo galay hawada Dalkaasi balse ay ka soo ag dhawaadeen ,waxa kale oo ay sheegeen madaxda wasaarada difaaca ee dalkaasi in aanay garaynin cida leh diyaaradaasi u soo dhawaaday hawada Ruushka .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat