Oops! It appears that you have disabled your Javascript. In order for you to see this page as it is meant to appear, we ask that you please re-enable your Javascript!

Xadhig Telefan “Jaarjar”Oo Halis Galiyay Diyaarad Rakaab Ah Oo Laga Leeyahay Dalka Ruushka!

Telefanada gacanta ayaa dadka musaafiriinta ah hadd iyo jeer lagu amraa in ay xidhaan inta ay diyaarada saaranyihiin ee ay hawada ku jirto.

Xadhiga lagu dabeeyo Telefanada gacanta ee Jaajarka ayaa waxa uu halis galiyay diyaarad rakaab oo laga leeyahay Dalka Ruushka gaar ahaan gegada diyaaradaha ee Volgograd.

Ciidamada Amaanka madaarkaasi ayaa waxa ay sheegeen in mid ka mid ah rakaabkaasi fiish ku taalay diyaarada galiyay xadhigiisi telefanka waxaana halkaasi ka dhashay Shoodh kaasi oo sababay qiiq yar.

Waxa kale oo ay ciidamada amaanka madaarkaasi sheegeen in dhamaan rakaabkii diyaaradaasi oo tiradoodu ahayd 153 ay nabad qaban lagana soo dajiyay diyaaradaasi ,diyaaradan ayaa waxa lahayd shirkada Ervoult.

 

 

 

 

 

 

 

 

Hawraar.net/Hargiesa.office.

KA DHIIBO FIKIRKAAGA

WhatsApp chat